1. Home
  2. Banaadir

Category: JUBBALAND

Dowlad Goboleedyada oo Shuruud ku xiray ka qaybta shirka 17-ka Bishaan lagu ballamiyay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Amniga Qaranka oo xubno ka yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada ku ballamiyay ka qaybgalka shir soconaya 17-18ka Bishaan. Golaha Iskaashiga Dowlada Goboleedyada oo War kasoo saaray Maanta…

Aw-Xirsi: ” Dowlad-goboleedyadu kama qeybgelayaan shirka Muqdisho, aniga ayaa la ii wakiishay”,Maqal

Sida uu Mustaqbal Radio u sheegay Wasiirka Qorsheynta Jubaland Aadan Aw-Xirsi Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa diiday ka qeybgalka shirka Amniga Qaranka ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Wasiir Aadan Aw-Xirsi  ayaa sheegay…

Jubaland oo joojisay wada shaqeyntii ay la lahayd wasaaradaha D.Federaalka

War ka soo baxay Maamulka Jubaland ayaa lagu sheegay in maamulkaasi uu si iskiis ah u joojiyay wada shaqeyntii uu la lahaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubaland…

Faah-faahin kasoo baxeyso Ganacsade lagu dilay Kismaayo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Gelinkii dambe ee Axadda lagu dilay nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade. Xaafadda Marxuumka lagu dilay waxaa dhowaan ka dhacay isku…

Axmed Madoobe: “xisaab celinta Social Media ayaa naloo soo marsiiyay,annagana waan ku jawaabeynaa”

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in aysan jirin Lacag ay dowladda Federaalka ah siiyay dowlad Goboleedyada oo ay xisaab celin kaga rabi karto. Waxaa uu Axmed Madoobe sheegay in warqadda ay dowladda…

Akhriso War-Murtiyeedka Shirka Kismaayo

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa war murtiyeed ka soo saaray shirkii maalmahan uga socday magaalada Kismaayo. Qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in Dowlad Goboleedyada ay hakad geliyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda…

Dowlad Goboleedyada oo hakadgeliyey wadashaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe

War murtiyeed ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo shir ku lahaa Magaalada Kismaayo maalmihii la soo dhaafay ayey ku sheegeen in ay goalaha iskaashiga dowlad-goboleedyadu uu hakad geliyey wadashaqeyntii kala dhexesya dowladda…

Wasiirada Dowlad Goboleedyada oo laga doonayo xisaab cilin

Warqadda summaddeedu tahay MOF/OM/1316/18 soona baxday 05-Sep-2018 oo ay soosaartay wasaaradda maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa looga dalbaday wasiirada maaliyadda ee dowlad-goboleedyada Soomaaliya in ay kasoo xibsaab celiyaan lacagaha ay dowladda dhexe u gudbisay dowlad-goboleedyada…

Axmed Madoobe: “Dowladda dhexe dhaqaalaha ayey naga jaratay”

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka jaratay dhaqaalihii ay siin jirtay dowlad Goboleedyada Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa sheegay in Xildhibaannada Baarlamaanka Jubaland aysan muddo…

Kismaayo: Akhriso hadallada ay ilaa hadda jeediyeen Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada,Sawirro

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose waxaa ka furmay shirka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya,kaas oo ay ahayd in uu shalay furmo hayeeshee dib u dhacay maantana la furay. Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada…