1. Home
  2. Banaadir

Category: KGS

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Urur Siyaasadeedka JSP oo dowladda ku eedeysay in uu gacan saar la leeyahay AS!

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoomiye ku xigeenkii Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajir ee JSP, ahna madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ku eedeysay in uu gacan saar la leeyahay Al-Shabaab. Laftagareen iyo…

Guddoomiye Jaamac oo XFS faray in ay Ciidanka Itoobiya kala xisaabtanto sababta loo qabsaday Magaalooyinka ay joogaan ciidankaas

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kulan la qaatay Xildhibaannada, Wasiirrada iyo xubno kala duwan oo deegaan doorashadoodu tahay Koofur Galbeed ayaa kala hadlay xaaladda halkaas ka jirta. Cabdulqaadir Maxamed…

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay dagaal dib ay ugu qabsanayaan deegaannada gacantooda ka baxay

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo markii ugu horraysay ka hadlay deegaannada maamulkiisa ee gacanta u galay Maleeshiyaadka Laftagareen ayaa sheegay in uu socdo abaabul dhankooda ah oo dib ugu qabsanayaan.…

Maleeshiyaadka Laftagareen oo magaaladii saddexaad kala wareegay Maamulka Koofur Galbeed.

Maleeshiyaadka Laftagareen ayaa si nabad ah kula wareegay Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay oo noqonaysa Magaaladii saddexaad ay ka gacanta ku dhigaan maleeshiyaadkaas iyaga oo ka qabsaday Maamulka Koofur Galbeed. Dagaalladii tooska ahaa ee Maleeshiyaadka…

Hoggaamiye Aadan Madoobe & Saraakiisha Maamulkiisa oo kawada hadlay Amniga Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan looga hadlay Amniga la qaatay saraakiil katirsan Maamulkiisa kaddib markii uu kordhay culays ciidan ee uga imaanaya dhinaca Maleeshiyaadka taabacsan Laftagareen. Sida ay…

Dagaal ka socda magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin hoggaamiyahii hore Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan…

Ciidanka Danab oo howlgallo ka dhan ah AS kawada xadka u dhaxeeya labada Shabeelle 

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaannada u dhaxeeya Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ee Maamullada Koofur Galbeed iyo HirShabeelle. Saraakiisha hoggaaminaysa Kumaandooska Danab…

Xaaladda Baydhabo oo deggan kaddib dagaal ka dhacay magaalada

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa saacado kaddib deggan, kaddib markii magaalada uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamo hubeysan iyo ciidamada dowladda. Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in dagaalka ay ka dhasheen khasaare isugu jira…

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay dagaalka ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay dagaalka ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa soo bandhigtay maydadka xubno ay sheegtay in lagu dilay dagaalkaas kuwaas oo isugu jiray maleeshiyada Laftagareen iyo AS Sida ay hadalka u…

Maleeshiyaadka Laftagareen oo weerar ay ku qaadeen Baydhabo u adeegsaday Drones

Maleeshiyaadka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar ku qaaday Magaalada Baydhabo iyaga oo weerarkaas u adeegsaday Diyaarado nooca duulliye la’aanta ah oo qaraxyo lagu soo raray. Dagaalka oo socday in ka badan…