Maleeshiyaadka Laftagareen oo magaaladii saddexaad kala wareegay Maamulka Koofur Galbeed.

Maleeshiyaadka Laftagareen ayaa si nabad ah kula wareegay Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay oo noqonaysa Magaaladii saddexaad ay ka gacanta ku dhigaan maleeshiyaadkaas iyaga oo ka qabsaday Maamulka Koofur Galbeed.

Dagaalladii tooska ahaa ee Maleeshiyaadka Laftagareen ay ku qaadayeen Magaalooyinka Koofur Galbeed isla markaana iska caabinta ay kala kulmayeen Ciidanka Maamulkaas iyo kuwa Federaalka ayaa isu baddelay in si nabad ah ay ku qabsadaan Magaalooyinkaas.

Ilo ku sugan Koofur Galbeed ayaa ku warramay in Cabdicasiis Laftagareen uu adeegsanayo wadahadallo hoose iyo dhaqaale kuwaas oo u suuragelinaya in ay ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay banneeyaan Magaalooyinka iyada oo aanay dhiig ku daadan.

Maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyaha u yahay Aadan Maxamed Nuur Sheekh Maxamuud waxaa hadda horyaalla su’aalo la xiriira sida uu ka yeelayo Magaalooyinka gacantiisa ka baxay iyo sida uu ku difaacan karo Magaalada Baydhabo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maanta oo la maamuusayo maalinta Cunnada Adduunka

Read Next

Iiraan oo furista Hormuz shuruud uga dhigtay in Maraykanka uu ka baxo Bariga Dhexe