Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgallo Militeri ka billaawday Koofur Galbeed

Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada deegaannada dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgallo ka dhan ah AS ka wadaan deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Bayaanka Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalladii u dambeeyay ay ciidamada Xoogga ka sameeyeen deegaanka Leego ee gobolka Baay.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Dowladda Federaalka ay wadeen howlgallo ay dib ugu qabanayaan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Degmadan ayaa waxaa gacanta ku haya Askarta taabacsan hoggaamiyihii hore ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Guud ahaan deegaannada Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa laga wada howlgallo Militeri, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay geysay Ciidamo dheeraad ah.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Maxay ka dhigan tahay in Shirkadaha Korontada ay sameeyaan qiimo kordhin?

Read Next

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari