Maxay ka dhigan tahay in Shirkadaha Korontada ay sameeyaan qiimo kordhin?

Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan Kiilo-waatka iyada oo markii hore ahayd Halkii Kiilo-Waat $0.41 laguna kordhiyay $0.05 taasi oo ka dhigaysa in lagu dhufan $0.46 sida ay hadalka u dhigeen.

Shirkadu waxa ay ku doodeen qiima koror uu ku yimid Shidaalka Caalamka muddo 8 bil ah waxaana ay tilmaameen in laga maarmi waayay lacag kordhintaan cusub sidaas awgeedna ay ku dareen qiimahaan si ay isaga kala yareeyaan culayska koray.

Marka la eego culayska kasoo janjeermay Shirkadaha bixiya Korontada waxa uu xooggiisa korayaa Shacabka Soomaaliyeed oo aanay jirin dhinac ay isaga yareen kuna qasban yihiin in ay bixiyaan lacagahaas dheeraadka ku noqonaya.

“Qiimaha shidaalka ee dalkeena ayaa isna kor u kacay wax ka badan 70%, taasoo keentay in Shirkadaha korontada bixiya ay ku adkaatay inay adeegga ku sii wadaan qiimihii hore. Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan noqotay in dib u eegis lagu sameeyo qiimaha korontadda laguna daro qadar aad uga hooseeya marka loo eego kor u kaca Shidaalka ku yimid” Sidaasi waxaa yiri warka kasoo baxay Shirkadaha korontada ee Magaalada Muqdisho.

Shacabka oo markii hore culays dhinaca dhaqaalaha ah saarnaa ayay tani ugu sii darmaysaa maadaama marka qiimahaas cusub lagu dhufto soosaarka adeegsiga Korontada ay kordhinayso lacagaha horay uga bixi jiray Shirkadaha Korontada.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

Read Next

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgallo Militeri ka billaawday Koofur Galbeed