Hoggaamiye Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay dagaal dib ay ugu qabsanayaan deegaannada gacantooda ka baxay

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo markii ugu horraysay ka hadlay deegaannada maamulkiisa ee gacanta u galay Maleeshiyaadka Laftagareen ayaa sheegay in uu socdo abaabul dhankooda ah oo dib ugu qabsanayaan.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya Shacabka ay dib u qabsan doonnaan Deegaannada iyo Degmooyinka Koofur Galbeed ee haatan ay ku sugan yihiin Maleeshiyaad la safan Madaxweynihii hore ee Maamulkaas, Cabdicasiis Laftagareen.

Waxa uu dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan lana shaqeeyaan Ciidamada u diyaarsan sidii ay u qaadi lahaayeen howlgallo ka dhan ah Maleeshiyaadka gacanta ku dhigay Deegaannada iyo Degmooyinka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida uu yiri

“Abaabul ayaan wadnaa oo Shacab iyo Ciidan aan dib ula wareegayno deegaannada ay soo galeen Askarta Laftagareen iyo AS” Sidaasi waxaa yiri Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe

Maleeshiyaadka Laftagareen ayaa si nabad ah u qabsaday Deegaano ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed, tani waxa ay culays amni & Mid siyaasadeed ay saartay Hoggaamiye Aadan Madoobe.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Obama oo difaacay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo cadaadis uu ku hayo Trump

Read Next

Guddoomiye Jaamac oo XFS faray in ay Ciidanka Itoobiya kala xisaabtanto sababta loo qabsaday Magaalooyinka ay joogaan ciidankaas