Obama oo difaacay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo cadaadis uu ku hayo Trump

CHICAGO, ILLINOIS – JUNE 18: Former U.S. President Barack Obama speaks during the dedication ceremony for the opening of the Barack Obama Presidential Center in John Lewis Plaza on June 18, 2026 in Chicago, Illinois. Barack Obama served as the 44th president of the United States from 2009 to 2017 and was the first African American to hold the office. (Photo by Win McNamee/Getty Images)

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Brack Obama ayaa soo saarey qoraal uu ku difaacay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiilada, taasi oo maalmihii la soo dhaafay wajaheysay eedeymo iyo hanjabaad ah in laga tarxiili doono dalkaasi.

Qoraalka Obama ayaa ku sheegay in Ilhaan Cumar ay tahay gabar Mareykan ah oo si sharci ku joogta dalkaasi, isla markaasna aan la masaafurin karin.

“Xildhibaanad Ilhan Cumar waxay dalkan timid iyadoo la socota aabbeheed, xilligaas oo ay jirtay 12 sano, Shan sano ka dib, aabbeheed wuxuu noqday muwaadin Maraykan ah. Haddii Ilhan ay xilligaas jiri lahayd 18 sano, waxaa laga rabay inay si gaar ah u codsato dhalashada. Laakiin maadaama ay jirtay 17 sano, waxay si toos ah u noqotay muwaadin” ayuu yiri Obama

Isagoo sii hadlaya wuxuu yiri “Intii uu xilka hayay Madaxweyne Trump, Waaxda Caddaaladdu waxay si joogto ah u beegsatay dadka ay ku jirto Ilhaan oo ay kala dhaxeyso Cadaawad Siyaasadeed, haddii tani noqoto dhaqan caadi ah oo aan laga hortagin dad kale ayay qabsan doontaa”

Sidoo kale, Obama ayaa xusay in Ilhaan tahay muwadin dadaalay oo wax badan ku soo kordhisay Bulshadeeda.

Hadalka Madaxweyne hore Obama ayaa ku soo beegmaya xilli Donald Trump lagu eedeeyay inuu cadaadis siyaasadeed ku hayo Xildhibaan Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota, iyadoo hay’adaha federaalku ay baaritaan ku sameeyeen gurigeeda, lana wareegeen taleefankeeda iyo dukumentiyo gaar ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Masar oo ku baaqday in la ixtiraamo Madaxbannaanida Soomaaliya

Read Next

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay dagaal dib ay ugu qabsanayaan deegaannada gacantooda ka baxay