Soomaali khasaare ka soo gaarey duqeymo ka dhacay xadka dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan

Tobabaan ruux oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku geeriyooday ka dib markii Duqeymo ay diyaarado aan duuliye laheyn ka geysteen Suuqa Al-Nacaam ee gobolka Galbeedka Kordofaan ee dalka Suudaan una dhow xadka Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Warbaahinta Gudaha Suudaan ayaa warineysa in shidaalka suuqa laga keeni jiray dalka Koofurta Suudaan, isla markaasna ay ka ganacsan jireen Ganacsato isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kale.

Duqeynta ayaa dhacday xilli ay ganacsato faro badan ku sugnaayeen Suuqa iyo dad kale oo wax iibsanayay.

Ilaa 8 Gantaal ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaceen Suuqan lagu iibiyo Shidaalka, iyadoo dabkii ka dhashay uu markii dambe ku fiday dukaamo iyo goobo ganacsi oo ku dhowaa.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq iyo holac ka baxaya suuqa kaddib weerarka.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay Bulshada Soomaalida ee ku sugan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan ayaa noo sheegay in aan ilaa hadda la ogeyn tirada rasmiga ah ee Soomaalida khasaaraha soo gaarey.

Ilaa hadda tirada dhimashada ee guud ahaan weerarkan ayaa kor u dhaaftay 80 ruux, halka dhaawaca intaasi ka badan yahay.

Soomaali badan ayaa ganacsiyo uu kamid yahay Shidaalka ka heysta deegannada Xuduudka ee dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan.

Duqeynta ayaa lagu eedeynaya Ciidamada Militeriga Suudaan oo dagaal ku jira xoogaga RSF.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed oo soo saaray go’aan ka dhan ah Laftagareen

Read Next

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo la sheegay in uu galay xaalad miir-dabool ah