Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo la sheegay in uu galay xaalad miir-dabool ah

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jon-un ayaa la sheegay in uu ku jiro xaalad miir-dabool ah kaddib markii madaxa uu dhiig uga furmay sidaasina uu ogaalkiisa ku tagay waana tan keentay in aad loo hadal hayo sheekadiisa.

Dadka Kuuriyada Waqooyi ayaa subax weliba arki jiray Kim balse maalmihii lasoo dhaafay ayaa la waayay waana tan keentay in uu shaki xooggan uu hareeyo noloshiisa ama ugu yaraan badqabkisiisa Caafimaad.

Ma jiro mas’uul katirsan Kuuriyada Waqooyi oo arrintaan ka hadlay, waxaana xogaha la helayo ay sheegayaan in Hoggaamiye Kim Jon-un lagu daweynayo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha oo madaxdooda xiriir wanaagsan kala dhaxeeya.

Horay mar sidaan oo kale loo waayay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxaa la baahiyay Warbixinno shaki gelinaya Noloshiisa iyo Caafimaadkiisa inkasta oo markii dambe uu soo muuqday isaga oo goobjoog ka ah gantaallo la tijaabinayay.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaali khasaare ka soo gaarey duqeymo ka dhacay xadka dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan

Read Next

Turkiga oo sheegay in uu kordhinayo tababarrada ciidanka Soomaaliya