Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta Dhagaysanaya hadal jeedinta musharriixinta Hoggaamiyaha & ku xigeenka Maamulkaas

Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa maanta dhagaysanaya hadal jeedinta Musharrixiinta u tartamaysa Hoggaamiyaha iyo ku xigeenka Maamulkaas oo isla golahaan uu berri ku dooran doonno Magaalada Dhuusamareeb.

Musharrixiinta hadlaysa ayaa shahaadada caddaynaysa musharraxnimadooda ka qaatay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka iyada oo marka la doorto berri la dhaarin doonno si loo dhammaystiro howlihii doorashooyinka maamulkaas.

Waxaa jira kulamo gaar gaar ah oo Musharrixiintu ay la kala qaadanayaan Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug si uu mid weliba u sameeyo kala xod-xodasho dhinaca codka ah si uu ugu guullaysto kursiga uu u tartamayo.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

El Salvador oo Cudurka Ebola dartiis xayiraad safar u saartay 8 Dal oo Afrikaan ah

Read Next

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Urur Siyaasadeedka JSP oo dowladda ku eedeysay in uu gacan saar la leeyahay AS!