Turkiga oo sheegay in uu kordhinayo tababarrada ciidanka Soomaaliya
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay digiin ugu direyso dhammaan dadka faafiyay wararka Askarta taabacsan hoggaamiyihii hore ee Maamulka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.
Dowladda Federaalka ayaa caddeysay in aan la aqbali doonin in baraha bulshada iyo warbaahinta loo adeegsado abaabulidda weerarro iyo dhiirigalinta ku biirada Kooxo hubeysan.
Sidoo kale, Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku hanjabtay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono shakhsi kasta, maamule baro bulsho, ama warbaahin kasta oo si ula-kac ah uga qaybqaadata baahinta, diyaarinta, ama gacan-siinta falalkaasi dembiga ah.
Dhinaca kale, Bayaan ka soo baxay Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa warbaahinta iyo dadka wararka faafiya ee deegaannadaasi oo looga digay in la baahiyay xogaha Askarta taabacsan Laftagareen iyo AS.
Go’aannada ka soo kala baxay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Ciidamo taabacsan Laftagareen ay weeraro ku hayeen magaalooyinka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.
Mustaqbal
