Maxaa kasoo baxay doodda dhexmartay labada musharrax ee u taagan Xilka Madaxweynaha Brazil?

Dalka Brazil waxaa ka dhacday Dooddii in muddo ah la sugayay ee u dhaxeysay Madaxweynaha hadda xilka haya iyo wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee Dalkaas waa Flávio Jair Bolsonaro oo doonaya in uu soo jiito indhaha dadka codaynaya.

Wareegga Dooddaan oo ahaa tan ugu horraysa labo dood oo waqti aan kala fogayn la dhex dhigo labada musharrax waxaa la arkayay iyaga oo is dhaafsanaya su’aalo iyo hadallo adag oo mid weliba uu doonayo in uu ku adkaado dagaalkaas afka ah.

Flávio ayaa dhoola-caddayn iyo fara-taag isugu daray Lula Da Silva oo qudhiisa adeegsanayay ereyo uu ku durayay aabihiis oo Jair Bolsonaro halka sidoo kale Madaxweynaha Xilka haya marweliba lasoo dhinac dhigayay dhacdooyinka diiwaanka u galay muddada uu xilka hayo.

Wareegga labaad ee Doodda ayaa dhacaysa 23ka Bishaan halka Doorashadu ay qabsoomi doonto 25ka October 2026 waana meesha ay ku kala harayaan labadaan Musharrax oo muddo ka shaqeynayay sidii uu mid weliba u guullaysan lahaa.

Lula da Silva waa 80 jir halka Musharraxa la tartamaya ee Flávio Bolsanaro uu yahay 45  jir, farqi sidaas ah uma dhaxeeya labada musharrax  marka laga tusaale qaato codbixinta lasii sameeyo oo 51% waxaa haysta Flávio halka 49% uu haysto Lula inkasta oo ay ka duwanaan karto codbixinta Doorashada.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Guddoomiye Jaamac oo XFS faray in ay Ciidanka Itoobiya kala xisaabtanto sababta loo qabsaday Magaalooyinka ay joogaan ciidankaas

Read Next

Maxay ka dhigan tahay in Hay’adda NISA ay saraakiisheeda ka mamnuucdo kasoo muuqashada Baraha Bulshada?