Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa saacado kaddib deggan, kaddib markii magaalada uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamo hubeysan iyo ciidamada dowladda.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in dagaalka ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha.
Hay’adaha amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay dhawaan soo saaraan warbixin ku saabsan dagaalka iyo xaaladda amni ee magaalada.
Gudaha Baydhabo iyo duleedkeeda ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan Militariga iyo Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu arkayo goobaha muhiimka ah ee magaalada.
Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid deggan, iyadoo dadka magaalada ay dib ugu laabanayaan hawlahooda caadiga ah.
Mustaqbal
