Madaxweynihii Serbia, Aleksandar Vučić oo is casilay si uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas

Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić ayaa is casilay ka dib markii u dhammaaday muddo xileedkiisa labaad ee ugu dambeeyay, waxaana uu dalkaas aadayaa doorasho si loo helo hoggaamiyaha baddeli doonna madaxweynaha is casilay.

Ana Brnabić oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Serbia ayaa xilkaan si kumeel-gaar ah usii qabtay sida uu dhigayo Dastuurka Dalkiisa maadaama laga fogaanayo firaaq Madaxweyne waxaana uu dalka gaarsiinayaa Doorasho si Madaxweyne loo doorto.

Madaxweynihii Is casilay, Aleksandar Vučić ayaa doonaya in uu u tartamo xilka Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas mar haddii uu kasoo xirmay albaabkii uu ugu tartami lahaa xilka Madaxweynaha oo labo jeer soo qabtay.

Sida dastuurka Serbia uu dhigayo waxaa Madaxweynaha la dooranayaa dhammaadka December 2026 balse waxaa ka horreeya Doorashada Ra’iisul Wasaaraha oo ah mid baarlamaani ah oo dhacaysa 25ka October 2026.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ajaanibta ku nool Koofur Afrika oo cabsi xooggan ka muujisay kacdoonka ka dhanka ah

Read Next

Xaaladda Baydhabo oo deggan kaddib dagaal ka dhacay magaalada