Ajaanibta ku nool Koofur Afrika oo cabsi xooggan ka muujisay kacdoonka ka dhanka ah

Soomaalida & Ajaanibta kale ee Ku nool Dalka Koofur Afrika ayaa cabsi xooggan ka qaba dibadbaxyada ka dhanka ah ee ay wadaan Kooxaha kasoo horjeeda joogitaankooda kuwaas oo ku goodiyay in wixii ka dambeeya 30ka Bishaan in ay xoojinayaan kacdoonkooda.

Dadka u dhashay Dalka Koofur Afrika ayaa xukuumaddooda ku cadaadinaya sidii ay dalkooda uga saari lahayd ajaanibta sharci darrada ku joogta Dalkaas maadaama ay ku eedeeyeen in ay kahor istaageen shaqooyinkii ay heli lahaayeen.

Magaalooyin badan oo kamid ah kuwa ay u badan yihiin Soomaalida ayaa laga cabsi qabaa in ay kooxaha burcadda ah ay boob ka gaystaan sidoo kalena ay beegsadaan Ajaanibta ku sugan Goobahaas iyaga oo qiil ka dhiganaya xoojinta dibadbaxyadooda.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Koofur Afrika ayaa Mustaqbal u sheegay in qaarkood dadka kacdoonka wada ay la socdaan ciidamo kuwaas oo soo qabanaya Dadka ajaanibta ah iyaga oo gaynaya xarumahooda hubinta si sharcigooda loo xaqiijiyo.

Tani waxa ay kusoo beegantay iyada oo saacadihii lasoo dhaafay ay kordheen dilalka loo gaysanayo Ajaanibta ay kamidka tahay Soomaalida, falalkaas ayaa intooda badan ka dhacay tuulooyinka ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ka furteen Dukaamada iyo goobaha kale ee Ganacsi.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay dagaalka ka dhacay Baydhabo

Read Next

Madaxweynihii Serbia, Aleksandar Vučić oo is casilay si uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas