Axmed Madoobe: “Dowladda dhexe dhaqaalaha ayey naga jaratay”

Axmed Madoobe

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka jaratay dhaqaalihii ay siin jirtay dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Xildhibaannada Baarlamaanka Jubaland aysan muddo shan bilood ah qaadan wax mushaar ah arrintaasna sabab u tahay dowladda dhexe oo dhaqaalaha ka jaratay.

Waxaa uu is weydiiyay sida iyada oo heshiis la wadayahay loo gaari karo doorasho qof iyo cod ah mar haddii dowladda dhexe ay ku mashquulsan tahay dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

Waxaa uu xusay in dhamaan maamul Goboleedyada kale ay la qabaan marka laga reebo Maamulka Puntalnd oo uu sheegay in uu ka dhaqaale roonyahay dowlad Goboleedyada kale.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Qiimaha Shidaalka Somaliland oo sare u kacay

Read Next

Somali president tours Huawei’s offices in China