Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa ka dhacay iska hor imaad dhexmaray Kooxo hubaysan oo kamid ah Kooxaha ka dhisan Dalkaas iyada oo ilaa haatan aan lasoo warin khasaaraha ka dhashay Dagaalkaas.

Zawiya waxa ay kamid tahay meelaha Shidaalka Liibiya waana goob ay kuwada sugan yihiin kooxo ka aasaasmay rabshadihii iyo colaaddii ka dhacday Dalkaas dhowr sanno kahor, waxaana marar kala duwan ka dhacay isku dhacyo dhexmaray kooxahaas.

Dagaalka ayaa ka dhacay Waddada loo yaqaan Refinery oo ku dhow Warshadda Sifaynta Shidaalka ee Magaalada Zawiya, waxaana joogsaday isu socodka Dadka Tropoli iyo Xadka Tunisia sabab la xiriirta cabsida dagaalkaas ka dhalatay.

Ilo deegaanka ah ayaa Warbaahinta u sheegay in xiligaan xabadda tooska ah ay istaagtay balse la maqlayo rasaasta yaryar iyada oo weli ay taagan tahay xaaladda ka dhalatay iska hor imaadkaas sida ay ku warrameen ilahaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Read Next

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya