DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay Maraakiib Kalluumaysi usoo dirayaan Xeebaha Dalka maadaama uu jiro isbaddel dhinaca Amniga ah oo la isku halayn karo.
Alper Aktaş ayaa sheegay in 15 sano kahor ay adkayd in lagu dhiirrado fursadaha hadda muuqda ee dhinaca Badda Soomaaliya isaga oo intaas ku daray in tani ay ku timid tallaabada ay qaadday Dowladda Federaalka.
“Shirka Badaha Soomaaliya waa mid aad u muhiim ah, 15 sano kahor waxaa adkayd waxyaabaha aan hadda ka shaqaynayo sababo arrimo argagixiso darteed balse hadda nabadgalyo way wanaagsan tahay, Maraakiib Kalluumaysi ayaan Dalka keeni doonnaa” Sidaasi waxaa yiri Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.
Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya heshiisyo dhinacyo badan quseeya sida ilaalinta amniga Badaha Dalka, Ankara ayaa xoogga saartay sare u qaadista fursadaha kala duwan ee dhinaca maalgashiga Muqdisho.
Mustaqbal
