Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in qiyaastii 70 boqolkiiba la soo gabagabeeyay qoditaanka ceelka shidaalka ee Curad 1, kaas oo laga qodayo xeebaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wasiirka ayaa xusay in gunta Badweynta Hindiya oo laga qodayo Ceelka ay tahay 3,500 mitir, iyadoo hadda la dhammeystiray 70%.
Wasiir Daahir ayaa yiri “Dhammaadka sannadkan sida Bilaha Novembar ama Decembar Ayaan shaacin doona Natiijada rasmiga ee Ceelka Shidaalka Curad 1”
Wasiirka ayaa tilmaamay in Maraakiibta Turkida ee wada howlaha qodista Shidaalka Soomaaliya sida Jaari Bay ay yihiin kuwo Casri ah, isla markaasna dhawaan la filayo in ay guul ka keenaan shaqadaan.
Daahir Shire Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay 268 baloog oo ceel shidaal ah, iyadoo dhammaantood laga wada faa’iideysan doono.
Ceelka Curad 1 ayaa ah ceelkii ugu horreeyay ee shidaal oo muddo dheer kadib laga qodo badda Soomaaliya, waxaana dowladda Federaalka ka caawinaya Dowladda Turkiga.
Mustaqbal
