MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay maalgashiga sidaas awgeed ay gacmo furan kusoo dhaweynayaan cid weliba oo danaynaysa arrintaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay Dowladda Turkiga oo kaalin weyn ka qaadatay isbaddelka dhinaca Amniga ah isla markaana ay ku dhiirratay iyada oo adduunyada kale ay kasii jeysteen una adeegsanayeen ereyo adag sida Lama tagi karo & Argagixiso ayaa joogta sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu shaaciyay in muddo kooban kaddib inay Soomaaliya jabisay xeendaabkii la hordhigayay qodista Shidaalka iyo ka faa’iidaysiga kale ee Khayraatka Dalka ku jira, waxaana uu xusay in ay jiraan fursado kale oo maalgashi & Ganacsi.

“Turkiga ayaa beeniyay in la dhaho Badaha Soomaaliya lama tagi karo, Shidaalka lama qodi karo & Argagixiso ayaa joogta, waan uga mahadcelinayaa arrintaas” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya waxa ay sugaysaa natiijada qodista Shidaalka oo bilo kahor lagu dhaqaaqay, waxaana dhinac socda fursado kala duwan oo Soomaaliya ay kusoo bandhigayso Maalgashiga Badaha iyo Khayraadka kale ee dabiiciga ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi