MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo mas’uuliyiin kala duwan lagu casuumay in ay ka qaybgalaan shirkaan oo waqti muhiim ah lagu soo beegay.
Qodobada looga hadli doonno Shirkaan waxaa kamid ah Amniga Badaha sida kala gudubka Maraakiibta, Horumarinta Xeebaha, ka faa’iidaysiga Khayraatka Badda iyo arrimo kale sida ay shaaciyeen ilo kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu jeediyo khudbad uu uga hadlayo muhiimadda uu yeelay shirkaan iyo fursadaha u furan Dadka danaynaya in ay maalgashi ku samaystaan Soomaaliya gaar ahaan dhinaca khayraatka badda.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
