Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay habraaca, shuruudaha musharaxnimada iyo xilliga ay dhaceyso doorashada hoggaanka cusub ee Aqalka Hoose.

Lacagta Diiwaangelinta iyo Shuruudaha Guddiga ayaa dajiyeen kharashka laga rabo musharaxiinta doonaya inay u tartamaan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Musharaxa ragga ah ayaa laga rabaa lacag dhan $30,000, halka qofka Dumarka laga qaadayo $15,000.

Sidoo kale, qofka doonaya inuu u tartamo kursigan sare ee dalka, waxaa lagu xiray shardi adag oo ah; haddii uu haysto Baasaboor Ajnabi, inuu ka tanaasulo ama celiyo.

Hoos ka akhriso Shuruudaha ay soo saareen Guddiga

May be an image of text

May be an image of text

Mustaqbal

 

 

MM Staff

Read Previous

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?