RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Gobolka Sool isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Xamsa Cabdi Barre oo ay dhinac fadhiyaan mas’uuliyiin heer Federaal ah iyo kuwa Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhagaystay talooyinka dadkii uu la kulmay isaga oo bogaadiyay nabadgalyada deegaannada Maamulkaas.

Muddada uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi uu joogayo Deegaannada Maamulka Waqooyi Bari waxa uu la kulmayaa mas’uuliyiin katirsan Maamulkaas, Duubabka Dhaqanka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Read Next

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo