Aw-Xirsi: ” Dowlad-goboleedyadu kama qeybgelayaan shirka Muqdisho, aniga ayaa la ii wakiishay”,Maqal

Sida uu Mustaqbal Radio u sheegay Wasiirka Qorsheynta Jubaland Aadan Aw-Xirsi Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa diiday ka qeybgalka shirka Amniga Qaranka ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiir Aadan Aw-Xirsi  ayaa sheegay in dhamaan xubnaha Dowlad Goboleedyada aysan ka qeybgeleyn shirkaas.

Waxaa uu sheegay in Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ay isaga u igmadeen in uu u hadlo sidaasna ku diideen kaqeybgalka shirka.

Waxa uu arrin aan sax ahayn  ku sheegay in iyaga dhan Xamar looga yeero sidaasna ku tagaan,waxaana uu xusay in ay aragtidooda qaateen islamarkaana Madaxda dowladda dhexe marka hore garowsato walaacooda.

Waxaa suuragal ah in Aadan Aw-Xirsi oo ah wasiir katirsan Jubbaland oo kamid ah dowladgoboleedyada islamarkaana martigelisay dhammaan shirarka uu yeeshay goluhu haddana uusan kuhadli karin magaca golaha iskaashiga dowladgoboleedyada balse nama soo gaarin xog kaduwan inta uu noo sheegay Aadan Aw-Xirsi

Shirka Golaha Amniga ayuu Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in uu Muqdisho ka dhacayo 17 ilaa 18ka Bisha September.

8 Bishan War Murtiyeed ay ka soo saareen Shirkii Kismaayo ayey Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ku sheegeen in ay ku hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhegeyso Wareysiga.

Mustaqbal media

Read Previous

7 dead as Suicide Car Bomber targeted Hodon District HQ in Mogadishu

Read Next

Sidee loo ciyaari doonaa wareega 8-da tartanka degmooyinka gobolka banaadir.