Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo saraakiil kale ayaa gaarey furimaha hore ee gobolka Baay.
Saraakiisha ayaa kormeeray deegaannada Leego iyo Jameeco oo hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa halkaasi kula kulmay taliyeyaasha ciidamada iyaga oo ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalladii ugu dambeeyay ey Ciidamada la galeen AS iyo howlgallada socda.

Mas’uuliyiinta ayaa faray Ciidamada in ay inay sii laba-jibaaraan howlgallada ka socda dowlad goboleedka Koofur Galbeed ee lagu xaqiijinayo Amniga.
Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta Koofur Galbeed ayaa dagaal kula jiray AS iyo Maleeshiyaad taabacsan Laftagareen.
Mustaqbal
