Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku faanay in uu kor usoo qaaday codadka uu haysto Ra’isul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu si uu ugu guullaysto kuraasta uu doonayo in uu ku yeesho awoodda wax qaybsiga Xukuumadda.
Saacadihii hore ee doorashada waxa uu Netanyahu haystay codad aad u hooseeya waxaana ka badnaa musharraxa la tartamaya inkasta oo mar qura uu sare maray codkiisa kana badnaaday musharrixii cadaadiska ku hayay.
Arrinta isbaddelka oo aad loo hadal hayay waxaa soo hadlay Madaxweyne Donald Trump oo sheegtay Guushaas isaga oo ku tilmaamay mid uu ugu danaynayay Israa’iil, Bariga dhexe iyo mustaqbalka Yuhuudda maadaama uu Netanyahu dagaal kula jiro Iiraan iyo dalal badan.
Trump ayaa kor kala socday doorashadii ka dhacday Deegaannada Yuhuudda ay xoogga ku joogto, waxaana uu shaaciyay in garab taagan yahay Benjamin Netanyahu oo xiligaas xaaladdu ku adkayd kana niyad jabsanaa natiijada uu ka heli karo doorashada.
Mustaqbal
