Soomaaliya oo hambalyeysay Shacabka iyo Dowladda Turkiga

Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Turkiga munaasabadda 103-guurada Jamhuuriyadda Turkiga.

War-saxaafaded ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa loogu hambalyeeyay Dowladda iyo Shacabka Turkiga.

“Soomaaliya waxay hambalyo la wadaagaysaa shacabka walaalaha ah ee Turkiga, munaasabadda sannad-guurada 103-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga,” ayaa lagu yiri farriinta hambalyada.

Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga ayaa la xusaa 29-ka Oktoobar sanad kasta, iyadoo lagu xusayo aasaaskii Jamhuuriyadda Turkiga sannadkii 1923-kii.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Machadka Heritage oo Muqdisho ku soo bandhigay daraasad ku saabsan doorka bulshada rayidka ah iyo isla-xisaabtanka

Read Next

MW Xasan “Haddii aysan Nabad ahayn Muqdishu, London iyanna Amni ma ahan.”