In ka badan 100 Duullimaad oo maanta ka joogsaday Moscow

In ka badan 100 Duullimaad ayaa maanta ka joogsaday Garoonka Diyaaradaha Moscow ee Dalka Ruushka kaddib markii weerar loo adeegsaday Diyaaro noocoodu yahay Drones sida ay ku warrameen saraakiil amni oo la hadlay Warbaahinta.

Duullimaadka la joojiyay ayaa isugu jiray kuwo ka bixi lahaa Garoonka Diyaaradaha Moscow iyo kuwo kale oo kasoo deji lahaa garoonkaas sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Duullista Rayidka ee Dalkaas.

Waxaa suuragal ah in saacado kaddib dib loo fasaxo duullimaadyada waa marka la xaqiijiyo nabadlayada kaddib, waxaana jira tallaabooyin looga hortagayo weerarrada ka imaanaya Ukraine sida xoguhu muujinayaan.

Ukraine ayaa inta badan duqaymo diyaaradeed oo ah kuwa duulliye la’aanta ah ku beegsatay meelaha muhiimka ah ee Ruushka sida Suuqyada, Garoomada Diyaaradaha, Duumaha Gaaska qaada iyo meelo kale.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Gadi Eisenkot oo Netanyahu ku eedeeyay in marin habaabinayo Guusha Xisbigiisa uu ka gaaray Doorashadii dhacday

Read Next

Soomaaliya & Ruushka oo kawada hadlay Amniga iyo Iskaashiga labada Dal