Muddo sharciyeedka Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta ku siman
Waxaa maanta ku siman muddo sharciyeedka Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo UNTMIS kaas oo aan waqti hore helin waqti kordhin si rasmi ah loo faafiyay si lamid ah Xafiisyada kale oo 12 bil oo dheeraad ah la siiyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa horay ugu heshiiyay in shaqada Xafiiska UNTMIS si awood loo siiyo hay’adaha siyaasadda ee Dowladdu loona leexiyo taageerrada uu u baahan yahay inta uu si iskiis ah cagaha ugu istaagayo sida hadalka loo dhigay.
Qaramada Midoobay ayaa aqbashay soo jeedinta ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ay go’aan satay in ku dhawaad 30 sano kaddib albaabada la isugu dhufto Xafiiska UNTMIS oo talada siyaasadda la hoos geeyo Dowladda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay xoogga saartay sidii ay ula wareegi lahayd shaqooyinka ay hayaan xafiisyada Qaramada Midoobay ee dhaqaalaha badan lagu bixiyo sida warrku sheegayaan.
Mustaqbal
