Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celisay 169 muwaadin oo ku xirnaa xabsiyada Liibiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo celisay 169 muwaadin Soomaaliyeed oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya.

Muwaadiniintan oo Liibiya ku tagay tahriib ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in muwaadiniintan ay ku jireen xaalado adag intii ay ku xirnaayeen xabsiyada Liibiya.

Hore Dowladda Federaalka ayaa hore u sheegtay in ay dalka ku soo celisay in ka badan 1,000 ruux oo ku xirnaa Xabsiyada kala duwan ee Caalamka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka badeecadahooda Yurub u dhoofin kara canshuur la’aan

Read Next

Machadka Heritage oo Muqdisho ku soo bandhigay daraasad ku saabsan doorka bulshada rayidka ah iyo isla-xisaabtanka