Sidee loo ciyaari doonaa wareega 8-da tartanka degmooyinka gobolka banaadir.

Waxaa maanta garoonka Banaadir ka bilaabanaya  kulamada Wareegga 8-da  tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018.

Tartanka   oo ay ka qayb galayeen  17-ka  degmo ee gobolka waxaa  wareegga 8-da isugu soo haray      degmooyinka.  Waaberi iyo Shangaaani oo Group A kasoo gudbay   Hodon iyo Shibis  oo Group B   kasoo baxay,  Howl-wadaag iyo Boondheere  oo Group C   kasoo baxay iyo Wadajir iyo Xamar Weyne oo  Group D  ka yimid.

Kulamada  wareegga  8-da , afar- dhamaadka iyo kama dambaysta waxaa dhammaan lagu ciyaari doona garoonka Banaadir, waxaana degmooyinka isugu beegmeen.

Waaberi  vs    Boondheere  garoonka   Banaadir  10 September 2018

Hodon vs Xamar wayne      Garoonka Banaadir     11 September 2018

Howl-wadaag vs Shangaani   Garoonka   Banaadir  14 September 2018

Wadajir   vs    Shibis    Garoonka  Banaadir    15 September   2018

Afar-dhamaanka  tartanka waxa ala ciyari doonaa

Sabti  16 September   2018 waxaa  wada dheeli doona  degmooyinka    Waaber vs  Boondheere tii soo gudubta  iyo Hodon vs  Xamar Wayne.

Axad   17   September  2018  Kulanka labaad ee Afar- dhamaadka waxaa wada yeelan doonaa degmooyinka  Howl-wadaag iyo Shangaani tii soo baxda     iyo  Wadajir vs  Shibis.

Fiinaalaha tartanka waxaa la ciyaari doonaa  18 September 2018

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Aw-Xirsi: ” Dowlad-goboleedyadu kama qeybgelayaan shirka Muqdisho, aniga ayaa la ii wakiishay”,Maqal

Read Next

Bahda Isboortiga oo kulan baroor diiq ah u sameeysay Halyeeyad Qaran Saciido Nuur Abuukar (Wariiri).