Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee Muqdisho oo xiran muddo ku siman 40 sano.
Safiirka dowladda Aljeeriya, Maxamed Caliim, ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xamse Aadan Haadow, oo hadal ka jeediyay garoonka, ayaa soo dhoweeyay go’aanka dowladda Aljeeriya ay dib ugu furanayso safaaradeeda Muqdisho, taasoo xirnayd tan iyo sannadkii 1985-tii.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay ka go’antahay labada dowladood xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada gobolka iyo caalamka.
Dib u furista safaaradda Aljeeriya ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dib ugu soo noqonayaan dalka Diblumaasiyiinta dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.
Mustaqbal
