Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa ay falkaan ku tilmaamtay xadgudub weyn oo lagu sameeyay goobaha Barakaysan ee Islaamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa markale adkaysay in ay garab taagan tahay Falastiin isla markaana ay kasoo horjeeddo xadgudbka xargaha goystay ee Yuhuudda ay gaysanayso.

Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay iyo cid weliba oo arrintaan wax ka qaban karta ayay ugu baaqday in aanay gacmaha laga laaban xadgudbkaas ay gaysanayaan ciidamada Israa’iil iyaga oo iska indhatiraya xeerarka kala duwan.

Ciidanka Israa’iil ayaa tacadiyo kala duwan ka gaystay dhulka ay xoogga ku haystaan iyo ciidda kale ee gacanteeda ka maqan oo dhowr jeer duqaymo arxan-darro ah ka gaysteen, waxaana cambaareeyay Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?