DFS oo sheegtay in HirShabeelle ay ka billowday howlgal ay ugu magac dartay Dabayl

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka HirShabeelle ay ka billowday howlgal ay ugu magac dartay ‘Dabayl’ isla markaana ay ku qabsatay deegaanno dhaca Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor, Kornayl Aadan Maxamed Faarax oo la hadlay Ciidamo katirsan taliskaas oo qabsaday Xaaji Cali iyo Sumadaale ayaa sheegay in howlgalkaan uu si toos ah u billowday.

Kornayl Aadan waxa uu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay wadaan howlgallo culus oo ka dhan ah ‘AS’ si looga qabsado deegaaannada ay ku sugan yihiin waa sida uu yiri isaga oo ciidamada kula dardaarmay in ay dulqaad iyo adkaysi muujiyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa horyaalla su’aalo la xiriira sida ay u qaadan karto mas’uuliyadda Amniga maadaama ururka Midowga Afrika uu sheegay inay si buuxda ugu wareejiyaan nabadgalyada Dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Uganda oo martigelinaysa shirka Madaxda dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya

Read Next

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau