Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay amniga Marinada Badaha

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Japan, Mr. OnishiI Yohei, ayaa kulan gaar ah la yeelatay Safiirka Soomaaliya ee dalalka Shiinaha iyo Japan, Danjire Dr. Hodan Cismaan Cabdi.

Kulankan ayaa looga wada hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Japan gaar ahaan dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Bulshada.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ku taal goob istiraatiiji ah oo ah isgoyska masiiriga ah ee marinnada ganacsiga badda ee isku xira Yurub, Aasiya, iyo Afrika.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka hirgaliyay hab raaca isku xirka Indo-Pacific si loo horumariyo dhaqaalaha.

Dhankeeda, Safiirka ayaa carrabka ku adkaysay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siiso xiriirka kala dhexeeya Japan, iyadoo muujisay rabitaankeeda ku aaddan in la sii ballaariyo iskaashiga labada dal iyo in la xoojiyo mashaariicda horumarineed ee Japan ay ka fuliso Soomaaliya.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku af-gartay inay sii wadaan wadashaqaynta dhow si loo xoojiyo xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga fagaarayaasha  caalamiga ah ee lagu horumarinayo nabadda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka Galmudug oo maanta billaabatay

Read Next

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK