Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo kamid ah dalkaasi, taasi oo uu sababay kuleylka.
Warbixinta ayaa tilmaameysa in Abaarta ay si gaar ah u saameysay gobollada bartamaha, bariga iyo koonfurta England.
Dowladda ayaa baaqyo iyo diniin u dirtay dadka, iyadoo ugu baaqeysa in ay iska ilaaliyaan biyaha wasakheysan oo uu kuleylka saameeyay, iyagoo ilaalsanaya biyaha ay heystaan.
Xilligan la joogo, in ka badan 20 milyan oo qof oo ku nool England ayay saameysay xaaladaan abaareed iyo kuleylka.
Dowladda iyo shirkadaha biyaha ayaa muwadiniinta u soo jeedinaya in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan.
Mustaqbal
