Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee Afrika, isagoo uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Dowladda.

Kulanka oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM iyo Diblumaasiyiinta Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa diiradda lagu saarey taageerada Mareykanka ee Amniga Soomaaliya gaar ahaan dagaalka AS iyo dib u dhiska Ciimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu kor u qaadayo Awoodda Ciidamada Qaranka.

Dhankiisa, Taliyaha AFRICOM, Jeneral Dagvin R.M. Anderson ayaa adkeeyey sida ay Dowladda Mareykanka uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dagaalka AS iyo Tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Mareykanka joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jiray Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, kaasi oo ay hoos yimaadaan Ciidamada AUSSOM.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya