Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida Garoomo Diyaaradeed, Waddooyin, Biyo Mareennada Magaalooyinka iyo kuwo kale.

Mashaariicdaan waxaa ku baxaysa lacag dhan $500 oo Milyan oo doollar iyada oo lagu wado in laga sameeyo Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada sida ku xusan heshiiskaan oo qallinka lagu duugay Bishii April 2026.

Muddada uu mashruucaan soconayo waa ilaa sannadka 2031 iyada oo inta aan la gaarin sannadkaan laga sii shaqaynayo fulinta mashaariicdaan waxaana kala xulashada Meelaha laga billaabayo iska kaashanaya Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa lagu xoojinayaa badqabka dhinaca Amniga iyo joogtaynta duullimaadyada ee Caalamiga ah iyo Gudaha Dalka sida garoomada Diyaaradaha Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Hargaysa, Garoowe, Gaalkacyo, Jowhar & Dhoobley iyada oo sidoo kale xoogga la saarayo xakamaynta fatahaadaha.

Fursadaha dib u dayactirka Garoomada waa door kale oo lagu xusay fulinta mashruucaan, waxaana ujeedka uu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo la xoojinayo kaabashaaysha iyo ilaha kale ee wax kasoo gali karaan.

Mashruucaan laguma xusin Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari iyada oo aanay jirin sabab cad oo lagu muujiyay in laga reebo maadaama Gobolka Banaadir iyo Dowlad-Goboleedyada kale laga hirgelinayo mashaariicdaan.

Haddaba maxay tahay sababta Laascaanood looga reebay mashruucaan?

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Read Next

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?