Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha amniga, doorashooyinka madaxa-bannaan ee dalka ka socda iyo dimuqraadiyadda.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay Xubnaha Golaha Wasiirrada, iyagoo ka warbixiyay xaaladda Amniga, Siyaasadda iyo weliba arrimaha bulshada.
Sidoo kale, kulanka ayaa si gaar ah loogu soo bandhigay howlgallo isugu jiray duqeymo iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday AS.
Madaxweynaha ayaa faray Golaha Wasiirrada in ay dardar galiyaan u adeegida Bulshada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Diiwaangalinta iyo Rukhsad-siinta Ganacsiyada iyo Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Agaasinka Guud ee Arrimaha Diinta ee Madaxtooyada Turkiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Mustaqbal
