Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku dhintay Magaalada Ceuta ee Afrika dhacda balse katirsan Maamulka Dalka Spain iyada oo tirade gaartay 34 qof.

Dadkaan ayaa doonayay in ay tagaan Dalka Spain si ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Yurub oo ay u arkaan inay ku heli doonaan nolol uga wanaagsan tan dalkooda hooyo iyaga oo sidaasi isu moodsiiyay khatarta nafeed ee qaarkood ku dhinteen.

Dowladda Spain ayaa ciidamo dheeraad ah gaysay Magaalada Ceuta si ay u xakameeyaan Dadkaas tahriibayaasha ah inkasta oo la arkayay muuqaallo ku faafay baraha Bulshada ciidamada oo xakamayn waayay qulqulka Dadkaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka