Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo fariin la xiriirta furitaankas loo diray Xildhibaannada oo muddooyinkii dambe fasax ku maqnaa si ay uga soo qaybgalaan kulankaan.
Sida uu dhigayo Dastuurka Dalka, waxaa daahfuraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ka jeedinayaa khudbad uu warbixin ku siinayo Xildhibaannada Baarlamaanka ee fasaxa dib uga soo noqday.
Kalfadhigaan waxaa Baarlamaanka ku cusub ma lahan Guddoomiye oo waxaa shaqadaas si ku meel-gaar ah u sii haynaysa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka maadaama uu xilkaas banneeyay Aadan Madoobe oo noqday Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed.
Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa ku jira sannadkii ugu dambeeyay ee uu siiyay Dastuurka uu ansixiyay, waxaana kalfadhigaan uu noqonaya kii ugu dambeeyay maadaama uu dalka aadayo Doorasho sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
