Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista soo korortay ee caqabadda ku noqon karta isticmaalka marinkaan haddii aan haatan kahortag lagu sameeyn arrimahaaas sida hadalka loo dhigay.

Isbahaysigaan oo ay qayb ka yihiin 14 Dal oo ku kulma ama wax usoo mara Badda Cas ayaa isla gartay in la sameeyo kahor heerkiisu sarreeyo maadaama laga dheragsan yahay caqabadaha ka dhashay colaadda saamaysay Marinka Hormuz.

Waddamada Soomaaliya ku wehliya Isbahaysigaan oo fadhigiisu noqonayo  Magaalada Riyadh waxa ay kala yihiin Sacuudi Carabiya, Kuwait, Baxrayn, Qatar, Pakistan, Turkiga, Masar, Urdun, Yemen, Bangaladesh, Nigeria, Suudaan & Jabuuti.

Saraakiil iyo khubarro ciidan oo dhinaca Amniga Badda ku takhasusay ayaa diiradda saaraya sidii Isbahaysigaan uga jawaabi lahaa su’aalo badan oo horyaalla sida joogtaynta gudbinta Maraakiibta Ganacsiga, samaynta saldhig muhiim ah & kuwo kale.

Si loo kordhiyo kalsoonida isu gudubka Ganacsiga xorta ah loogana hortago caqabadaha imaan kara waxaa muhiim ah in howlgalkaan la isku xiro Badda Cas, Baabul-Mandab iyo Gacanka Cadmeed si looga hortago halista muuqata iyo tan qarsoon.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Read Next

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya