Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa lagu arkay Gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga uu leeyahay.
Nooca Gaariga lagu arkay furimaha dagaalka ee Shabeelaha Dhexe waa ACV-15 oo ay soosaarto Shirkadda FNSS ee hubka ciidanka Difaaca dalkaas usoo saarto, waxaana uu leeyahay dhowr faa’iido sida qaadista ciidanka, caawinta taangiyada, ka gudubka dhulka culus, biyaha IWM.
Gaarigaan waxa uu qaadaa darawalka, Taliyaha iyo askariga maamulaya qoriga ku xiran, waxaana uu awoodaa in uu iska difaaco rasaasta iyo qaraxyada fudud isaga oo markiiba qaada kara ilaa 8 askari sida ku xusan xogta laga kaydiyay Gaariga.

Turkiga oo tababaray sidoo kalena qalabeeyay ciidanka Kumaandooska Gorgor waxa uu horay u siiyay Gaadiid Gaashaaman iyo hub casri ah kuwaas oo marar badan lagu arkay muuqaallo looga soo duubay ciidankaas oo ku sugan furimaha Dagaalka.
Ankara ayaa horay waxa ay Ciidanka Soomaaliya uga gacansiisay dhinaca weerarrada cirka iyada oo adeegsanaysa Diyaaradaha Casriga ah ee F-16, Bayraktar Akıncı, Bayraktar TB2, TAI T129 ATAK iyo kuwo kale oo waqtiyo kala duwan howlgallo fuliyay.
Soomaaliya & Turkiga waxaa ka dhaxeeya iskaashi dhinaca Amniga waxaana hoostagaya dhismaha ciidanka, qalabayntooda, la howlgalkooda iyo arrimo kale, waxaana intaas dheer tababarro dalkaas loogu qaaday saraakiil ciidan sida xogaha la helayo ay sheegayaan.
Mustaqbal
