Faah-faahin kasoo baxeyso Ganacsade lagu dilay Kismaayo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Gelinkii dambe ee Axadda lagu dilay nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade.

Xaafadda Marxuumka lagu dilay waxaa dhowaan ka dhacay isku dhac u dhaxeeyay Maleeshiyo Beeleedyo isku heystay dhul halkaa ku yaalla.

Kooxda dilka geysatay ayay Wararku sheegayaan in ay isaga baxsadeen goobta kahor inta aanu gaarin Ciidamada Ammaanka Jubbaland oo Meydka Ninka la dilay ka qaaday.

Dadka qaar ayaa Mustaqbal u sheegay in Marxuumka uu kamid ahaa Ganacsatada Dhuxusha Magaalada Kismaayo.

Lama shaacin Cidda ka dambeysa Dilkaan, sidoo kale hay’adaha Ammaanka Jubbaland ma faah-faahin Dilka iyo howlgalkii Xigay.

Mustaqbal media

Read Previous

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Madaxda UNDP oo kawada hadlay Taageero lasiiyo Golaha. Sawirro.

Read Next

Kulanka labada aqal ee Baarlamaanka Somaliya oo maanta furmaya