Guddoonka Golaha Shacabka iyo Madaxda UNDP oo kawada hadlay Taageero lasiiyo Golaha. Sawirro.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo maanta Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socday Hay’adda Hormarinta iyo Mashaariicda Qaramada Midoobe u qaabilsan ayaa kala hadlay kordhinta Taageerada ay siiyaan Baarlamaanka.

Xubnaha uu Gudoomiye Mursal la kulmay waxaa kamid aheyd Nihaad Hussein oo ah Lataliye sare oo dhinaca Farsamadda ee Hay’adda UNDP waxa ayna sharaxaad ka bixisay wada shaqeynta ay la leeyihiin Baarlamaanka iyo guud ahaan Guddiyadiisa u qaabilsan shuruuc dejinta.

“Waxaan Rajeyneynaa in aan xoojin doono taageeridda aan mar waliba la garab taaganahay Golaha Shacabka si ay meel wanaagsan u mariyaan hawlaha horumarinta dalka Soomaaliya.” Sidaana waxaa tiri Nihaad.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa uga mahad celiyay Hay’adda UNDP-da kaalinta Kaalmo ay siiso Baarlamaanka iyo sida wanaagsan oo ay ula leedahay wada shaqeynta.

”Runtii waan idinku bogaadinayaa sidaad dhinacyadda farsamadda iyo fududeyntaba aad kala shaqeysaan guddiyadeena Baarlamaanka, haddii aan nahay hoggaanka Baarlamaanka, waxaan mar waliba jecelnahay sidii aad noogala shaqeyn lahaydeen in dalkan uu ka soo kabsado dhinacyadda loo baahan yahay in la iska kaashado si wada jir ah in looga hawlgalo.” Ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sheegay in ay si dhow isaga kaashan doonaan Hay’adda UNDP howlaha ay ka taageeraan Golaha shacabka.

Hay’adda Hormarinta iyo Mashaariicda Qaramada Midoobe ee UNDP loosoo gaabiyo ayaa Baarlamaanka ka taageerto Arrimaha Farsamada, Sharciyada iyo Howlaha guud ee u baahan socodsiinta Dhaqaale.

 

 

 

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/09/

Golaha-1.jpg (1280×960)

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/09/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/09/

Mustaqbal media

Read Previous

Jadwalka wareega siddeed dhamaadka ciyaarah degmooyinka gobolka Banaadir oo lasameeyay.

Read Next

Faah-faahin kasoo baxeyso Ganacsade lagu dilay Kismaayo.