Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay Arrimo dhowr ah sida Dastuurka, Doorashooyinka, Amniga iyo kuwo kale.
Dastuurka:
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay tallaabadii uu Baarlamaanka ku ansixiyay Dastuurka cusub ee Dalka oo uu sheegay in uu hormuud u noqday Doorashada Dadweyne oo qaybo kamid ah Dalka ka dhacday.
“Marka Baarlamaanka uu shaqaynayo sharciga ayaa shaqayno, marka uu sharcigu shaqaynayo waxaa badbaadayo Shacabka Soomaaliyeed, Bartii yaqaan bar uma kororto” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
Waa uu sii hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu yiri “In ka badan 10 sano Dastuurkii lagu dhiirran waayay ayuu Baarlamaanku ku dhiirraday uuna horseeday in uu Dalka yeesho Dastuur cusub”.
Isbarbar-dhig ayuu ku sameeyay afar sano kahor iyo maanta isaga oo xusay in natiijada kasoo baxaysa ay muujinaysa isbaddelka cusub ee Soomaaliya samaysay iyada oo isku tashatay oo hay’adaheeda sharciga si rasmi ah u guteen waajibkooda.
“4tii sano lasoo dhaafay marka aan dib u milicsano waxaa muuqata in uu Dalku qaaday tallaabooyin waa weyn oo qarankeenna dib usoo celisay” Ayuu yiri MW JFS, Dr Xasan Sheekh Maxamuud
Amniga & La dagaalanka ‘AS’
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in isbaddelka Amniga uu horseeday isbaddel dhinaca Bilicda Caasimadda ah, waxa uu is dhinac dhigay labadii sanno lasoo dhaafay horumarka ay Muqdisho samaysay iyo kahor labadaas sanno.
La dagaalanaka ‘AS’ ayuu sheegay in ay Xoogga Saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu bogaadiyay Ciidamada Qalabka sida isaga oo xusay
“Ciidamada Qalabka sida sidii shalay ayay ka tiro iyo tayo badan yihiin, Maanta Soomaaliya ma ahan Dal keliya gargaar waydiista balse waa waddan codkiisa la dhagaysto”. ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrimaha Dibadda:
Waxa uu soo hadal qaaday kursiga Soomaaliya ee Golaha Ammaanka iyo saamaynta siyaasadeed uu ku yeelay dalal badan oo codka Soomaaliya doonaya, waxa uu dhinaca kale Israa’iil uga digay in ay faragelinteeda Dalka.
“Amnigeenna meeshii lagu go’aaminayay waxa aan rabnaa in aan meel kale looga hadlin, waxaana ka shaqayneynaa xoog iyo xeelad in aan kahortagno in Israa’iil degto Dhulkeenna” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Digniin ayuu u diray Israa’iil, waxaana uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaaggaan Dowladdooda si looga hortago faragelinta shisheeye iyo dhibaatooyinka Yuhuudda ay doonayso in ay usoo rarto Geeska Afrika.
“Xoog, Xeelad & Diblumaasiyad waxa aan uga shaqayneynaa in aanay Israa’iil deggen Dhulkeenna” Waxaa sidaasi yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gunaanadkii khudbaddiisa waxa uu Shacabka iyo Baarlamaanka Federaalka ugu baaqay in ay garab istaagaan Doorashooyinka Dalka oo qayb kamid ah qabsoontay si looga gudbo Doorashooyinkii dadbanaa ee dalka wax lagu dooran jiray.
Mustaqbal
