Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed, waxaana munaasabaddaas oo xiligaan ka socota Magaalada Garoowe ka qaybgalaya Hoggaamiye Deni iyo mas’uuliyiin kale.

Puntland oo heerar kala duwan soo martay marka la eego dhinaca Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo kuwo kale, Maamulkaas ayaa haatan wajahaya xaalado siyaasadeed oo gudaha deegaannada maamulkaasi ka jira.

Ammaanka Magaalooyin ay kamid tahay Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana kulan nabadgalyada lagu xoojinayay yeeshay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Saraakiisha ammaanka ee Dowlad-Goboleedka Puntland.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”