Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo buuxda la heli Karin ilaa inta ciidamadiisa ay ka maqan yihiin xuduudaha iyo deegaannada kale ee rabshadaha ka abuurayso Israa’iil.
Nawaf ayaa sheegay in xasiloonida Dalkiisa iyo in Ciidamadu guud ahaan Dhulka Lubnaan oo ay tagaan isku xiran yihiin, waxaana uu ku baaqay in faragelinta laga daayo Dalkiisa waa sida uu ku dooday Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan.
“Lubnaan waxa ay Xasilooni heli kartaa Ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan, Ciidankeennu waa in ay gacan adag ku qabtaan amniga oo tagaan deegaannada aan gaarsiisnayn nidaamka Dowladda” Ayuu yiri RW Lubnaan, Nawaf Salam.
Dowladda Lubnaan ayaa horay heshiis xabbad-joojin ah la gashay Israa’iil oo qaybo kamid ah dhulkeeda horay usoo gashay inkasta oo dib uga baxday kaddib markii culays uga yimid Ururka Xisbullaah oo qaraxyo iyo duqaymo u gaystay ciidanka Yuhuudda.
Maraykanka ayaa horay u dejiyay qorshe uu isaga hor keenayo Dowladda Lubnaan iyo Kooxda Xisbullaah maadaama awoodda keliya ee lagu dhimi karo kooxdaas ay tahay in dagaal gudaha ah lagu furo balse isku daygaas ayaa socon waayay.
Mustaqbal
