Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa oo gaaray Magaalada Laascaanood ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaas.
Mas’uuliyiinta soo dhaweynta u sameeyay waxaa kamid ah Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, waxaana Garoonka Laascaanood ku sugnaa mas’uuliyiin iyo Dadweyne.
Xamsa Cabdi Barre oo si kooban ula hadlay Dadkii soo dhaweeyay ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo soo dhaweyntiisa, waxa uu carrabka ku dhuftay in uu kulamo kala duwan ka samayn doonno Laascaanood inta uu ku sugan yahay.
Waxa uu bogaadiyay Sannad jirsiga Maamulka Waqooyi Bari, waxaana uu intaas ku daray in ay iska xog-warrraysan doonnaan waxyaabaha u qabsoomay Maamulkaas sida uu hadalka u dhigay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
