Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah Maamulka Koofur Galbeed, iyagoo kulamo la qaatay hoggaanka dowlad goboleedkaasi.
Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın.

War-saxaafadeed ka soo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saarey adkaynta amniga guud ee deegaannada Koofur Galbeed iyo dib u habeyn lagu sameynayo Ciidamada Xoogga Dalka si loo tayeeyo Awoodooda.
Hoggaamiye Aadan Madoobe ayaa soo dhaweeyay qorshaha Saraakiisha Ciidamada, isagoo tilmaamay in la xoojin doono Amniga Deegaannadaasi.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin Dowladda Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo amniga, loona dardargeliyo howlgalada lagu ciribtir
Mustaqbal
